Maalintii Labaad oo Xiriir ah oo ay Gubanayaan Suuqyada Soomaaliya ugu Waa Weyn.

Muqdisho (Hbnonlinetv)- Dab xooggan oo ka kacay Magaalada Muqdisho saakay ayaa bur-buriyay  Goobo Ganacsi oo kuyaalla Suuq Bacaad oo ah Suuqa labaad ee ug weyn Soomaaliya, kaas oo kuyaalla degmada Yaaqshiid ee Gobolkan Banaadir.

Dabka ayaa ku faafay Goobo Gacansi oo kala duwan taas oo sababatay in Khasaaraha uu sii xoogeysto, dad badan ayaa ku hanti waayay kuwaas oo gabi ahaanba ah ay ka gubteen Meheradihii Gacansiga.

Ilaa 15 goobood ayaa gubatay, kuwaas oo iskugu jiray dukaamo kala duwan, oo lagu iibinaayay Badeecooyin kala duwan, dadka qaar oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in uu soo gaaray khasaaro baaxad leh.

Ugu dambeyn waxaa lagu guuleystay in dambka la damiyo, iyadoo saacado badan uu suuqa gubanaayay, waxana ku soo baxay dadweyne kala duwan iyo Gawaarida dab-damiska ee Magaalada muqdisho.

Si kastaba, Suuqayada Muqdisho waxaa ku soo laa laabtay muddooyinkii dambe  Dab aanan la aqoon sababta ka dambeysa in uu ka qarxo suuqyada gacansiga.
Shalay ayey aheyd markii suuqa ugu weyn Soomaaliya ee Bakaaraha uu ka kacay dab xooggan kaas oo dhaliyay khasaaro badan.
ilaa hadda majiraan qorshe looga hortagaayo dabkaan soo laa laabtay oo ah sameeyewn Maamulka Gobolka Banaadir si looga hortago dhibaatooyinka soo gaaray Ganacsiyada gubanaya.

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed