La Taliyaha Madaxweynaha ee Amniga Qaranka iyo Agaasimaha Hay’adda NISA oo war ka soo saaray cunnaqabteynta hubka ee laga qaaday dalka

War qoraal ah oo ka soo baxay Taliyaha Hay’adda Nabad Sugida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed ee NISA Mahad Maxamed Salaad ayaa lagu soo dhaweeyay go’aankii Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay uu cunaqabateynta hubka uga qaaday Soomaaliya.

Mahad Maxamed Salaad ayaa sheegay in xayiraadan ay miisaan weyn ku leedahay horumarinta ciidamada iyo amniga Soomaaliya sida uu hadalka u dhigay qoraalkan lagu daabacay bogga rasmiga ah ee hay’adda nabad sugidda iyo sirdoonka qaranka Soomaaliyeed.

War-saxaafadeedka Agaasimaha Hay’adda NISA ayaa sidoo kale lagu sheegay in go’aankan uu ku soo beegmay xilli ay dowladdu waddo howlgallo xooggan oo ka dhan ah dagaalyahannada Al shabaabiyo dib u dhiska ciidan xooggan oo loogu talagalay xasilinta iyo amniga guud ee dalka.

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa kulan gaar ah ka yeeshay cunaqabateynta hubka ee saaran Soomaaliya, iyadoo xalay goluhu uu u codeeyay in la qaado cunaqabateynta.

Dhinaca kale, La-taliyaha Amniga Qaranka ee Madaxweynaha Soomaaliya, Xuseen Macallin, ayaa soo dhaweeyay go’aanka Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ay cunaqabateynta uga qaadeen.

Waxa uu tilmaamay in heerar kala duwan ay soo mareen si Golaha Ammaanka loogu qanciyo in xayiraadda laga qaado Dowladda Federaalka si ay u soo iibsato hubka ay u baahan tahay iyadoo adeegsaneysa nidaamka caalamiga ah, isla markaana ay u xasiliso amnigeeda.

Sababta loo qaaday cunaqabateynta hubka ee Soomaaliya ayaa ah kadib markii la riday dowladdii milateriga aheyd ee afgambiga ka dhacday, waxaana hubkii faraha ka baxay oo gacanta u galay shacabka. Kalfadhi gaar ah oo golaha ammaanka ayaa xilligaas dhacay, waxaana xayiraadda la qaaday bishii Janaayo 1992-kii.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed