Kumanaan qof oo mudaaharaad ka dhigaya dalka Haiti oo ay kaga soo horjeedaan xaaladda ammaan ee sii xumaanaysa

Dhawr kun oo qof, oo badankoodu wejigooda daboolan yahay si ay aqoonsigooda u qariyaan, ayaa socod ku maray caasimadda Haiti maanta oo Isniin ah, iyagoo dalbanaya in laga ilaaliyo kooxaha rabshadaha wata ee ka dhacaya xaafadaha caasimadda Port-au-Prince iyo meelo ka baxsan.

Dibad-baxayaasha ayaa gubayaya  taayaro iyo baabuur ay dowladdu leedahay, muuqaalada laga soo duubay ayaa muujinayay heerka uu gaaray carada dadka dhigaya bannaan-baxa.

Tan iyo dilkii Madaxweyne Jovenel Moise ee 2021, khubaradu waxay sheegeen in kooxaha burcadda ah ay la wareegeen gacan ku haynta ilaa 80% Port-au-Prince, iyaga oo ku kacay dil, kufsi iyo argagaxa bulshooyinka markii horeba la ildarnaa saboolnimo baahsan.

Laga soo bilaabo Jannaayo ilaa Maarso, in ka badan 1,600 oo qof ayaa la soo sheegay in la dilay, la dhaawacay ama la afduubay, taasoo ah ku dhawaad ​​30% koror marka la barbar dhigo saddexdii bilood ee la soo dhaafay ee 2022, sida lagu sheegay warbixinta cusub ee Qaramada Midoobay.

Bishii Oktoobar ee la soo dhaafay, ra’iisul wasaaraha Haiti iyo saraakiisha kale ee sarsare ayaa codsaday in si degdeg ah loo diro gargaaar caalami ah si uu gacan uga geysto joojinta rabshadaha burcadda.

Dabayaaqadii bishii Luulyo, Kenya waxa ay u yaboohday ciidamo Boolis ah oo caalami ah, balse Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaan wali cod u qaadin qaraar lagu oggolaanayo cid aan ka tirsanayn Qaramada Midoobay. hawlgal caalami ah.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed