Kumanaan qof oo ku go’doosan degaannada ay saameeyeen fatahaadaha iyo barakaca ku dhawaad 50,000

Kumanaan kun oo qof ayaa ku go’doonsan degaannada ay saameeyeen fatahaadaha kadib roobab xooggan oo ka da’ay dowlad goboleedka Jubbaland ee Soomaaliya, sida ay sheegtay hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha bini’aadantinimada.

Roobabkan oo billowday bishii hore ayaa sare u qaaday heerka biyaha webiga Jubba, kaasoo sababay fatahaado ka dhacay deegaannada uu webiga ku teedsan yahay ee gobolkaas, sida lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska isku xirka gargaarka bini’aadannimo ee Ocha.

Degmada Luuq, 2,400 oo qof ayaa ku go’doonsan meel ay biyo ku hareeraysan yihiin, ayaa lagu daray warsaxaafadeedka.

Waxaa socda dadaalo ay wadaan maamulka iyo hay’adaha samatabixinta oo lagu doonayo in lagu soo daad gureeyo dadka go’doonsan.

Ugu yaraan 14 qof ayaa ku dhintay 47,000 oo qofna waa ay ku barakaceen daadad ka dhashay roobab mahiigaan ah oo ku dhuftay Soomaaliya tan iyo bishii hore, Ocha  sheegtay.

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Daa’uud Aweis ayaa sheegay in fatahaadda Wabiga Shabeelle uu sidoo kale saameyn ku yeeshay deegaannada Hirshabeelle iyo Koonfur Galbeed, islamarkaana uu geystay khasaare ballaaran. Wuxuu codsaday in la taageero, isagoo intaa ku daray in xaaladdu ay tahay mid halis ah.

Dalka waxaa ka da’aya roobab ka culus kuwii caadiga ahaa kadib markii ay ka soo baxeen mid ka mid ah abaarihii ugu darnaa muddo afartan sano ah.

Hay’adda Cunnada iyo Beeraha ayaa ka digtay khatar sare oo ka dhalan karta fatahaado, gaar ahaan deegaannada Koonfur-galbeed iyo  gobolka Gedo.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed