Kulankii Golaha Wasiirrada oo looga hadlay arrimo xasaasi ah laguna soo bandhigay warbixino

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo maanta yeeshay kulankoodii caadiga ahaa, ayaa looga hadlay guushii taariikhiga ahayd ee qaadista cuna-qabateynta hubka, amniga dalka, la-dagaalanka maalgelinta argagixisada iyo lacag dhaqidda iyo roobabka daadadka wata ee ka da’aya dalka.

Golaha Wasiirrada ayaa soo dhaweeyey go’aankii taariikhiga ahaa ee Golaha ammaanka ee Qaramada midoobay ay cuna-qabataynta hubka ee saarnayd muddo 31 sano ah uga qaadeen Soomaaliya. Taas oo fursad u siineysa Soomaaliya in ay xaqiijiso ammaankeeda, isla markaana la ciribtiro kooxda Al shabaab.

Shirka Golaha Wasiirrada oo uu guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha XJFS Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa lagu soo bandhigay warbixinno la xariira amniga guud ee dalka iyo u diyaar garowga wajiga labaad ee dagaalka ka dhanka ah ururka Al shabaab.

Kulanka Golaha ayaa sidoo kale lagu soo bandhigay warbixinno dhowr ah oo ay kamid yihiin saameynta roobabka daadadka wata ay ku yeesheen dalka iyo qiimeynta Qaran ee u diyaarsanaanta iyo la-dagaalanka maalgelinta argagixisada iyo lacag dhaqidda.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed