kulankii Golaha Shacabka oo ku soo dhammaaday natiijo la’aan iyo buuq

Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Basarlamaanka Soomaaliya aya maanta kulan ku yeeshay xaruntooda Villa Hargeysa, 30 mudane oo ka tirsan Baarlamaanka ayaa kulanka keenya Mooshin ay ku saxiixan yihiin, waxaana loo gudbiyay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Madoobe. Mooshinkaan ayaa waxaa ku saabsanaa la xiisbtanka iyo habsami u socodka hannaanka howlaha Golaha Shacabka.

Cabdirashiid Xidig oo kamid ahay 30-ka Xillibaan ee soo gudbiyay Mooshinka ayaa ka hor akhriyay Xillibaannada, isaga oo oo sharaxay mooshinka ay u keeneen in lagu daro Ajendihii Golaha Shacabka ee maanta la qorsheyay, kaas oo ku saasbasanaa la xisaabtanka iyo in suaalo la weydiiyo Wasiirka Amniga Soomaaliya  Maxamed Sheekh Doodishe .

Aadan Madoobe ayaa  xillibaannada u bandhigay Ajendaha Mooshinka si loogu qaado cod ku aadan in la qaadan doono iyo in kale, balse dood xooggan ayaa ka dhalatay arrintaas iyo buuq saameeyay kulankii Baarlamaanka ee maanta, waxaana jirtay in qaaar kamid ah Xillibaannada ay afka iska weerareen.

Qaar kamid ah Xillibaanada Golaha Shacabka ayaa eed kulu u jeediyay guddiga joogtada inay ku xad gudbeen madax bannaanida 275 xildhibaan ee golaha shacabka.  kuwaas oo ku dooday inay fashiliyeen xisaabtanka wasiirka amniga oo Baarlamaanka hor imaan lahaa.

Dood iyo buuq badabn kadib waxaa istaagay kulankii Baarlamaanka,

Dood dheer kulankii maanta ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaab ku soo dhammaday natiijo la’aan baahsan, taas oo keentay in khilaaf xooggan iyo doodo isku soo horjeedo ay saameyn ku yeelatay natiijada la sugayay.

HBN NEWS DESK

 

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed