Kulankii Golaha Shacabka oo baaqday markale iyo sababta oo la shaaciyay

Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in maanta markale uu baaqday kulankii Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Somaaliya, kaas oo lagu waday in uu ka dhaco Xaruntooda Villa Hargeysa ee magaalada Muqdisho.

Ilo kala duwan ayaa HBN TV u xaqiijiyay in mudanayaasha loo diray fariin ku aaddan in fadhigoodii maanta uusan dhici karin sabab la xiriirto in kooramka uusan dhammeyn tiradii loogu talagalay in lagu fariisto.

Wararka ayaa intaas raacinayay in Xildhibaannada Golaha Shacabka intooda badan ay ku maqan yihiin deegaannadii laga soo doortay, kuwaas oo qeyb k ah, ka qeyb-qaadashada iyo abaabulka dagaalka Al shabaab looga ciribtiraayo jiritankooda Soomaaliya.

Xildhibaannadii ugu badnaa ayaa la sheegay in ay ku sii qulqulayaan deegaannadii  laga soo doortay, kuwaas oo qaarkood tagay furimaha ay ku sugan yihiin ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ee loo diyaariyay howlgallada wajiga labaad.

Sababtaas ayaa loo aaneeyay in kal fadhigii ugu dambeeyay iyo kii maanta ay soo xaadiri waayaan Mudanayaasha Golaha Shacabka.

Dhowr jeer Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Madoobe  ayaa fariin adag  u diray Xildhibaannada taas oo ku saaabsaneed in ay soo xaadiraan kulamada Baarlamaanka.

HBN NEWS DESK.

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed