Kulankii Barlamaanka oo Maanta Baaqday iyo Digniin Culus Oo La Soo Saaray.

Kulan maantaXillibanaada Golaha Shacabka ay ku yeelan lahaayeen ayaa baaqday, kaas ooo qorshuhu ahaa in uu qabsoomo loona madalsanaa, balse waa lagu soo kala tagay sababa la xiriiro Kooram la’aan markii ay soo xaadir waayeen tiradii loogu talagalay ee xillibaanada baarlamaanka Soomaaliya.

Wadarta guud ee maanta  kulankan soo xaadirtay ayaa aheyd ilaa  103 xildhibaan oo kaliya, taasi oo sababbtay in guddoonka golaha shacabka ay ku dhawaaqaan in kulanka uusan gaarin tiradii loogu talagalay sidaasna lagu soo xiray.

Guddoonka golaha shacabka ayaa digniin culus u diray xillibaannada maqnaay fasax la’aan sharcigana lala tiigsan doono, iyada oo qaar kamid ah Mudanayashii maqnaayay magacyadooda lagu sheegay goobta, waxana ay sheegeen Xillibaanada maqnaay ay intooda badan ay joogeen magaalada Muqdisho.

Dhowr jeer oo hore ayey sidaan oo kala dhacday kadib markii kooram la’aan uu u baaqday kulamo hore oo Baarlamaan, taas oo keentay digniino hore ay soo saaraan guddoonka golaha Shacabka.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed