Kulanka Golaha Wasiirrada oo looga hadlay arrimo xaasi ah iyada oo su’aalo la weydiiyay Taliyaha ciimada xoogga Soomaaliya

Shirka Golaha Wasiirrada Xukuumadda Soomaaliya ayaa maanta ka qabsoomay magaalada Muqdisho, kaas oo uu guddoominayey Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, isaga oo faray Hay’adaha Dowladda iyo qeybaha kala duwan ee bulshada in ay ka qeyb qaataan halganka socda ee dalka looga ciribtirayo Xarakada Al shabaab.

Golaha ayaa warbixin ku saabsan howlgallada socda ka dhageystay Taliyaha Ciidanka Xoogga Soomaaliya, Generaal Ibraahim Sheekh Muxyadiin oo tilmaamay in uu socdo dagaal looga sifeynaayo dagaalyahannada Al shabaa deegaannada ay kaga harsan yihiin Gobollada Dhexe ee dalka.

Xamsa Cabdi Barre oo shirka ka hadlay ayaa bogaadiyey go’aanka Madaxweyne  Xasan Sheekh Maxamuud uu ku gaarey in uu dagaalka ka hoggaamiyo jiidaha hore, si dadweynaha iyo Ciidamada Qalabka Sida loogu dhiirrigeliyo halganka ka dhanka ah jiritaanka Al shabaab.

Kulanka Golaha Wasiirrada ayaa sidoo kale lagu meelmariyey Hindise Sharciyeedka Da’yarta Soomaaliyeed iyo Xeer nidaamiyaha Maareynta Hantida danta guud iyo agabka dowladda.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed