Kulan xasaasi ah oo looga hadlay dagaalka Al shabaab iyo ammaanka oo lagu qabtay maamulka Koofur Galbeed

Wasirka wasaaradda Amniga Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Xasan Abduqaadir Maxamed iyo Taliyaha Booliska maamulka Koonfur Galbeed G/ Sare Cabdi Ibraahim Shaamow ayaa Si-wadajir ah u shir gudoomiyay kulanka dar-dargelinta amniga Koofur Galbeed oo lagu qabtay magaalada Baydhabo.

Kulankaan oo ahay mid xasaasi ah ayaa looga hadlay arrimo culus oo taabanayay ammaanka, bilaabidda dagaalka dhanka ah Al shabaab wajigiisa labaad iyo arrimo kale oo muhiim ah.

Waxaa shirka kasoo qeyb galey saraakiisha Gobolka Baay iyo Gudoomiyaha Maxkamada Ciidamada Qalabka Sida ee Qeybta 60-aad iyo Taliyaha Qeybta Gobolka Baay kan Dagmada Baydhabo iyo hogaanka Baarista ee CID iyo Taliyasha Rugaha Booliska Baydhabo.

Intii uu kulankan socday waxaa looga hadlay dardar galinta Wajiga 2-aad ee dagaalka ka dhanka ah Al Shabaab ee deegaanada Koofur Galbeed iyo in Ciidamada Booliska ay ka qeyb qaataan dagaalka Al shabaab loogu xoreynayo Gobollada Baay, Bokool iyo Gobolka Shabeelaha Hoose waxaana Taliyaha Booliska Koonfur Galbeed uu faray saraakiisha iyo askarta in ay heegan buuxa galaan.

Kulanakaan ayaa salka ku hayo hadal dhawaan uu ku dhawaaqay madaxweynaha Koofur Galbeed cabdicasiis Laftagareen kaas oo uu ku sheegay in deegaannada maamulkaas uu ka bilaaban doono howlgallada wajiga labaad ee Al shabaab looga saaraayo deegaannada ay ka heystaan gobolada, Baay, Bokool iyo Gobolka Shabeelaha Hoose.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed