Kulan xasaasi ah oo looga hadlay ammaanka gobolka Banaadir oo lagu qabtay magaalada Muqdisho

Kulan istaraatiiji ah oo ka dhacay Xarunta Dowladda Hoose ee gobolka Banaadir ayaa diiradda lagu saaray sidii loo adkeyn lahaa ammaanka Gobolka Banaadir, iyadoo mas’uuliyiinta degmooyinka ay heleen awaamiir ku aaddan sidii loo xoojin lahaa ammaanka degmooyinka. Kulanka oo uu shir guddoominayay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Yuusuf Xuseen Jimcaale Madaale, ayaa looga hadlay qorshaha amniga ee sanadka soo socda ee 2024-ka, wuxuuna ku nuux-nuux saday baahida loo qabo in la xoojiyo dadaallada la iska kaashanayo.

Guddoomiye ku xigeenada oo uu ka mid yahay Maxamed Axmed Diiriye Yabooh oo u qaabilsan dhanka Amniga iyo Siyaasadda ayaa goob joog ka ahaa kulanka oo looga hadlayay istaraatiijiyadda guud ee amniga. Warbixino laga soo saaray Guddoomiyeyaasha Degmooyinka ayaa lagu soo bandhigay qodobo muhiim ah oo ay ka mid yihiin amniga, adeegyada bulshada, iyo dhaq dhaqaaqyada ka socda Gobolka Banaadir.

Mas’uuliyiinta Gobolka Banaadir oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Gobolka, iyo ku xigeennadiisa, oo ay wehliyaan mas’uuliyiinta Degmooyinka, ayaa toddobaad walba shir isugu yimaada, si ay uga tashadaan arrimaha xasaasiga ah sida ammaanka, arrimaha bulshada iyo arrimaha kale ee khuseeya. Ka-qaybgalkan joogtada ahi waxa uu ka tarjumayaa sida ay uga go’an tahay kobcinta jawi ammaan ah oo si wanaagsan u shaqaynaya gudaha caasimadda, iyada oo la sii xoojinayo dadaallada iskaashiga ah ee ku wajahan faa’iidada guud ee gobolka.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed