Kulan looga hadlayay dardar gelinta dagaalka Al shabaab oo lagu qabtay dhulka howdka ah ee Galgaduud

Kulan looga hadlayay dardar gelinta dagaalka wajiga labaad ee Al shabaab ayaa ka dhacay dhulka howdka ah ee deegaanno hoos taga gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya, waxaana si kulul looga doodday hannaaka loo maraayo dagaallada ugu dambeeyo ee lagu beegsanaayo goobaha ay Al shabaab kaga sugan yihiin gobolka.
Saraakiisha hogaaminaysa howlgalka lagu xoreeynayo gobolka Galgaduud ayaa kulan ay ku yeesheen duleedka magaalada Galcad waxa ay soo saareen amaro ku socda shacabka ku sugan deegaanada uu howlgalka ka socdo iyo kuwa dhulka ay dagan yihiin uu ku wajahan yahay howlgalka.
Kulankaan oo uu shir gudoominayay taliyaha Guutada 18aad ee kumaandooska Gorgor Bashiir Cumar Cabdullahi ayna goobjoog ka ahaayeen taliye ururada kumaandooska Gorgor, Danab iyo saraakiisha hogaaminaysa ciidanka deegaanka ayaa waxa kasoo baxay qodobadaan:
1-in aysan la macaamilin dad shacabka ah Al- shabaab si ay uga badbadaan duqaymaha iyo dagaalada lagu bartilmaameed sanayo kooxda meelaha ay ku sugan yihiin, shacabka ayaa loogu baaqay in ka fogaadaan goobahaas.
2-In ay la shaqeeyaan ciidanka oo soo gudbiyaan xogaha Al shabaab,  iyadoo la qarinayo xogtooda ku aaddan warbixinna ay la wadaagayaan ciidamada dowladda Soomaaliya.
3-Shacabka ku nool goobaha ay howlgalada ka socdaan ee gobolka Galgaduud iyo kuwa deegaannadooda lagu socdo in ay u diyaar garoobaan howlgallada  ka dhanka ah Al shababa.
Maalmihii la soo dhaafay saraakiil ka socotay dowladda Faderaalka Soomaaliya ayaa ku sii jeeday deegaannada Galmudug, halkaas oo la qorsheynayo in uu ka bilaawdo dagaalka wajiga labaad ee Al shabaab oo ay iska kaashanayaan Soomaaliya iyo saaxiibada caalamiga ah ee taageero.
HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed