Kulan looga hadlayay dagalka ka dhanka ah Al shabaab oo lagu qabtay Muqdisho kaas oo laga soo saaray amarro culus

Kulan looga hadlayay dardar-gelinta dagaalka Al shabaab ayaa maanta lagu qabtay magaalada Muqdisho,  iyada oo kulankaas laga soo saaray amarro ku aaddan sidii looga qeyb qaadan lahaa howlgallada ka socda Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Soomaaliya, Saalax Axmed Jaamac, ayaa guddoomiyey kulanka Agaasimeyaasha Guud iyo Maareyeyaasha Hey’adaha Dowladda oo looga hadlayey dagaalka lagu ciribtirayo kooxda Al shabaab ee dagaalka kula jirto dowladda Soomaaliya.

Kulanka ayaa daba-socda go’aankii Golaha Wasiirrada ee la xiriiray in hay’adaha dowladdu ay doorkooda ka qaataan dagaalada dalka ka socdo ee ka dhanka ah dagaalyahanda Al shabaab. Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka ayaa faray Agaasimeyaasha Guud ee Wasaaradaha iyo Maareyeyaasha Hey’adaha dowladda in ay ku abaabulaan shaqaalaha si af iyo addinba ay uga qeyb qaataan dagaalka.

Dowladda Soomaaliya ayaa waddo dadaaladii ugu dambeeyay ee dalka looga ciribtiraayo jiritaanka Al shabaab, iyada oo deegaananda Galmudug iyo Hirshabeelle ay ka socdaan howlgallo culus.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed