Kulan looga hadlayay arrimaha ammaanka oo maamulka gobolka Banaadir uu ku yeeshay magaalada Muqdisho

Guddoomiye ku xigeenka dhanka amniga iyo siyaasadda ee maamulka gobolka Banaadir, Maxamed Axmed Diiriye Yabooh, ayaa ku ammaanay ciidamada sida ay ugu dadaalayaan xaqiijinta amniga caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.

Diiriye ayaa tilmaamay in bisha Ramadaan xoogga la saaray sidii loo adkeyn lahaa ammaanka si shacabka ku nool caasimadda ay u nastaan, ugu dambeyntiina la gaaray hadafkii laga lahaa.

Waxa uu sheegay in ay la kulmeen Saraakiisha amaanka si ay xog faah faahsan uga helaan howlgalada lagu xaqiijinayo amaanka, waxa uuna ciidamada ku dhiira galiyay in ay sii laba jibaaraan howlgalkooda.

Yabooh ayaa sheegay in guud ahaan isbedel wanaagsan uu ka jiro amniga caasimadda, isagoo tilmaamay in loo baahan yahay in la kordhiyo howlgallada.

Guddoomiye ku xigeenka dhanka amniga iyo siyaasadda ee Maamulka Gobolka Banaadir ayaa shacabka kula dardaarmay in ay si dhow ula shaqeeyaan laamaha ammaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya, si loo adkeeyo ammaanka Magaalada Muqdisho.

Waxa uu ku nuux nuuxsaday in ay socdaan howlgalo adag si dadka dilalka iyo dhaca geysta si fudud gacanta loogu soo dhigo loona horkeeno sharciga.

Ciidamada ammaanka dowladda Federaalka ayaa kordhiyay howlgallada ay ka sameynayaan degmooyinka gobolka Banaadir. Ciidamada ayaa xaafado cusub ka sameeyay xaafadaha, waxaana sidoo kale howlgalo ay ka sameeyeen wadooyinka halbowlaha u ah caasimadda iyagoo baarayay gaadiidka, mootooyinka iyo dadka la socda.

Howlgallada ayaa waxaa si joogto ah ula socda saraakiisha ammaanka qaabilsan ee qaabilsan la socodka howlgallada, si ay u qiimeeyaan sida ay howshu u socdaan iyo in wax walba ay hagaagsan yihiin.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed