Kulan aanan caadi aheyn oo looga hadlay amniga magaalada Muqdisho ee sanadka cusub 2024 isla markaana laga soo saaray qorshaal cusub

Kulan istaraatiiji ah oo ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa waxaa isugu yimid mas’uuliyiinta ugu sareysa laamaha amniga, waxaana looga hadlay sidii loo dajin lahaa qorshayaal lagu horumarinayo amniga caasimadda sanadka foodda nagu hayo  ee 2024-ka, waxaana ka soo qeyb galay mas’uuliyiinta ugu muhiimsan dowladda Federaalka.

Kulanka oo uu shir guddoominayay Maxamed Cali Xagaa Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa ka mid ahaa Taliyaha Ciidanka Booliska, Taliyaha Booliska G/Banaadir, Guddoomiye ku xigeenka Amniga iyo Siyaasadda G/Banaadir, Guddoomiyeyaasha degmooyinka, iyo saraakiil ka tirsan qeybaha kala duwan ee ciidamada ammaanka, sida Booliska.

Saraakiisha ciidamada Xasilinta Caasimadda ayaa warbixino faah faahsan ka siiyay mas’uuliyiintii kale ee la socotay, iyagoo ku wargeliyay qorshayaal cusub oo lagu xaqiijinayo amniga Muqdisho sanadka soo socda. Qorshayaashan oo loogu talagalay in lagu xoojiyo kaabayaasha amniga ee magaalada, ayaa dhameystiraya istiraatijiyadaha jira, waxayna muujinayaan isbedel weyn oo ku yimid hannaanka.

Waxaa si gaar ah diirada loogu saaray adkeynta amaanka magaalada Muqdisho iyo degmooyinka gobolka Banaadir. Waxaa xusid mudan, in diiradda la saaray ilaalinta heerar sare oo feejignaan ah, hubinta gaadiidka, iyo baaritaanka shaqsiyaadka ku safraya gobolka.

Mas’uuliyiintu waxay isku raaceen in la kordhiyo inta jeer ee shirarka amniga si loo xaqiijiyo cusboonaysiinta waqtiga dhabta ah iyo dadaallada wadajirka ah ee looga jawaabayo caqabadaha soo baxaya.

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed