Ku-simaha Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo gaaray magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya

Wasiiru dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Cali Cumar (Cali Balcad) ayaa gaaray magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya, halkaasi oo uu kaga qeyb galayo shirka 44-aad ee Golaha Midowga Afrika.

Wasiirka oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in aan loo dulqaadan doonin duulaanka sharci darrada ah ee ay ku soo qaaday dowladda Itoobiya, isla markaana ay Soomaaliya qaadi doonto tallaabo kasta oo ay Itoobiya qaado.

“Waxaan qaadi doonaa tallaabo kasta oo ay Itoobiya qaado haddii uu sii socdo heshiiska sharci darrada ah,” ayuu yiri wasiir Cali Balcad.

Ku simaha Wasiirka Arrimaha Dibadda  Soomaaliya  Cali Maxamed Cumar “Balcad”  iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda Burundi Danjire Albert Shingiro ayaa  ka soo degay garoonka diyaaradaha ee Bole International Airport ee dalka Itoobiya.

Dhanka kale, Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Comoros, Mohamed El-Amine Souef, Wasiirka Arrimaha Dibadda, Iskaashiga, iyo Is-dhexgalka ee Gobolka Cape Verdean, Rui Alberto de Figueiredo Soares, iyo Wasiirka Xiriirka Dibadda ee Cameroon, Lejeune Mbella Mbella ayaa sidoo kale jooga Addis Ababa.

Masuuliyiintan ayaa Addis Ababa u gaaray kalfadhigii 44-aad ee golaha fulinta. Markii ay halkaasi gaareen ayaa waxaa halkaasi ku soo dhaweeyay Madaxa Protocol-ka dalkaasi Melaku Bedada, sida ay sheegtay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Itoobiya.

Shirkan ayaa ku soo beegmaya iyada oo ay cakiran tahay xaaladda Soomaaliya iyo Itoobiya, kaasoo xumaaday 1-dii bishii hore kaddib hishiiskii muranka dhaliyay ee Itoobiya iyo Somaliland.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed