Ku dhawaax 8 ruux rayid ah oo ku dhintay gobolka Hiiraan

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxay dad shacab ah miino ku dhishay gobolka Hiiraan, dadkaan ayaa garay ku dhawaax 8 ruux oo ku jiraan Carruut yar-yar,  dhimashadaan ayaa ka dhacday deegaan hoostaga magaalada Buulaburde ee gobolkaas.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in dadkaas dhintay ayaa ka soo jeedaa labo qoys, kuwaas oo kamid ah dad deegaanka Jicibo  oo ku dhawaad 25 km u jiro Buulaburde, waxana la kacday miino lagu aasay dhulka, iyaga oo ka yimid beero ay kula haayeen deegaanka, galinkii dambe ee shalay.

Waxaa la soo warriyay in rag ah iyo qof dumar ah ay ku jireen dadka dhintay,majiro wax war ah oo ka soo baxay maamulka Buulaburde ee gobolka Hiiraan ee ku aadan dhacdadaasi.

Qaraxaan miino ayaa la aaminsan yahay in Al-shabaab ay dhulka galiyeen, iyada maalmihii dambe deegaannadaasi ay ku dagaallamayeen Ciidan deegaanka kuwa dowladda iyo Al-shabaab.

HBN NEWS DESK

 

 

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed