Ku dhawaad 20 xubin oo Al-shabaab ah ayaa lagu dilay Jubada Hoose

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in ay dileen ku dhawaad 20 dagaal yahan oo ka tirsan Al-shabaan, halka ay bururiyeen fariimo kooxdu ay ku laheyd gobolka Jubada Hooss.

Ciidanka Kumaandooska Danab iyo Daraawiishta Jubbaland ayaa  duleedka deegaanka Weelmaaro ee gobolka Jubbada Hoose  waxay  ku dileen ilaa 17 xubin oo ka tirsan Al shabaab.

Maalmihii la soo dhaafay ciimada dowladda Faderaalka Soomaaliya ayaa howgallo xooggan ka sameyey gobolka Jubbada hoose, waxana khasaaro dhimasho iyo dhaawac soo gaaray labada dhinaca sida ay kala sheegteen.

Balse khasaaraha ugu badan waxaa uu soo gaaray Al-shabaab sida dowladdu ay shaacisay howgalladii ugu dambeeyay

Dowladdu intaas waxay  ku dartay in sidoo kale ay dagaalka Al-shabaab ku gaarsiiyeen jab xooggan sida lagu daabacay Warbaahinta dowladda.

Balse khasaaraha ugu badan waxaa uu soo gaaray Al-shabaab sida dowladdu ay shaacisay howgalladii ugu dambeeyay.

 

 

 

 

kasoo qalinjabiyey dugsi isqarxinta lagu baro dhallinyarada Cadowgu qalday oo ku yaala deegaanka Caanoole ee duleedka Degmada Bu’aale ayaa howlgalka lagu beegsaday waxaana halkaas lagu gaarsiiyay khasaare xooggan.

 

Saraakiisha ciidanka ayaa noo xaqiijiyay in Khawaarijta lagu laayey howlgalka caawa ay u badnaayeen ajaanib ku soo gardarootay dalkeena.

 

Khawaarijta shartooda ummadda la dhaafiyay Meydkooda Telegram ka soo daawo.

 

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed