Ku Dhawaaw 20 Ruux oo Ku Dhimatay Gobolka Jubbada Hoose

Wararka laga helaayo gobolka Jubada Hoose ayaa ku warramaya in deegaano hoostaga gobolkaasi ay ku dhinteen Caruur fara badan kuwaas oo uu soo ritay Cudurka Shuban Biyoodka oo ka dilaacay kol-hore deegaanada Jubbaland.

Waxaa la xaqiijiyay geerida ilaa ku dhawaad 20 Caruur ah iyo waayeel in ay ku geeriyoodeen  Degmada Afmadoow iyo deegaano kale ee hoosta gobolka, Tiro kale oo aad u badan ayaa iyaguna jiifo goobaha Caafimaadka.

Bahda Caafimaadka ayaa sheegaya in ay ka walaac sanyihiin tirada dadka xanuusan iyo baahida taal Isbitaalka maaddaama uusan dabooli karin dadku uu soo ritay Shuban Biyoodka gobolka.

Si kastaba Isbuuc kahor ayey aheyd markii Sidaan oo kale gobolkaas uu ka dilaacay Cudurkaan oo ay ku dhinteen Caruur badan.

HBN News Desk

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed