Ku dhawaad 60 milyan ruux oo wajahaya xaalad bini aadanimo oo Soomaaliya ku jirto

Hay’adaha hoostaga Qaramada Midoobay ayaa sheegaya digniin la xiriirta dhibaatooyinka cunno la’aanta iyo kuwa caafimaad darro ee saameynta taban ku yeeshay dalal ku yeel Geeska Afrika oo ay Soomaaliya qeyb ay ka tahay.

Qoraal ka soo baxay hey’addaha  ayaa lagu muujiyay malaayiin dad ah oo ku nool waddamada Geeska Afrika in ay isugu darsantay dhibaatooyin dabiici ah iyo kuwo aadanaha dalalkaas  ayaa  kala ah, Abaar, isbaddelka Cimillada iyo Colaadaha, dalalka waxaa ugu horreysa Soomaaliya. waxaana kamid ah: Dowladda Federaalka Soomaaliya, Jabuuti, Itoobiya, Koofurta Suudaan, Suudaan, Kenya & Uganda.

Hay’adda Cunnada Adduunka ee WFP ayaa sidaasi daabacday, dhibaatooyin u badan cunno la’aan ayey wajhayaan dalalkaasi, waxaana loona baahan yahay in gargaar degdeg ah loo helo si loo badbaadiyo Dadkaas.

Ku dhowaad 60 Milyan oo qof oo ku nool waddamadaan ayaa u baahan kaalmo degdeg ah si ay u helaan badbaado looga hortagi karo halista nafeed ee ka dhalan karta cunno la’aanta iyo caafimaad darrada heysata waa sida hadalka lood higay.

Digniinta Qaramada Midoobay iyo dalabaadka dhaqaale raadinta ah ay direyso ayaa kordhay sanadihii u dambeeyay balse waxaa lagu eedeeyay Hay’ado badan in wax u qabashada Dadka ay ka sare mariyeen in ay dhaqaale marka hore gacanta ku dhigaan.

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed