Ku dhawaad 50 ruux oo lagu la’yahay xeebaha dalka Yemen iyo faah faahin laga bixiyay

Wararka ka imaanaya dalka Yemen ayaa sheegaya in dooni ay saarnaayeen dad tahriibayaal ah ay kula qalibantay xeebaha dalka Yemen, waxaana la la’yahay dad badan oo u badan kuwa Geeska Afrika.

Khalid al-Subeihi, oo ah sarkaal ka tirsan ciidamada ilaalada xeebaha Yemen ee ku sugan magaalada xeebta ah ee Mocha, ayaa sheegay in doonida ay la socdeen 75 muhaajiriin ah ay degtay Axadii.

Wuxuu u sheegay wakaaladda wararka ee Associated Press in 26 qof ay ka badbaadeen balse ugu yaraan 49 kale weli la la’yahay. Wakaaladda wararka ee dalka Yemen ee SABA oo soo xiganaysa sarkaal aan la magacaabin ayaa ku warantay in doonida ay la qalibantay dabaylo xooggan awgeed u qalibantay, dhammaan dadkii la socday oo ay ku jiraan haween iyo carruur ay ku dhaceen biyaha.

Kumanaan kun oo qof ayaa sanad walba doonaya in ay ka safarka halista ah ee Itoobiya, Jabuuti iyo Soomaaliya ku tagaan Yemen iyo in ay u sii gudbaan waddamada Khaliijka ee hodanka ah iyaga oo ka cararaya faqriga iyo ammaan darroada, sidoo kalana shaqo raadis ah.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed