Ku dhawaad 40 ruux oo ku eedeysan in ay xiriir la leeyihiin Al shabaab oo ay baadi goobeyso dowladda Kenya

Dowladda Kenya ayaa shaacisay magacyada 35 xubnood oo ka tirsan Al-shabaab, kuwaasoo lagu eedeeyay inay ka dambeeyeen weerarro argagaxiso oo ka dhacay gobolka xeebta ah ee Lamu.

Dowladda Kenya ayaa ka codsatay shacabka Kenya in ay si iskood ah u soo gudbiyaan xogta lagu soo xiri karo maleeshiyaadkii ka dambeeyay weeraro argagixiso oo ka dhacay gobolka Lamu.

“Hay’adda danbi baarista ee DCI waxa ay shacabka ka codsaneysaa in ay si iskaa wax u qabso ah u soo gudbiyaan 35  tuhmane, oo ka tirsan Shabakadda Al-Shabaab, una qaabilsanaa qorsheynta iyo abaabulka weeraradii ka dhacay Gobolka Lamu iyo gobolka weyn ee Boni,” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay xafiiska booliiska Kenya ee la-dagaalanka argagixisada.

Kenya ayaa ku amartay tuhmanayaasha inay si deg deg ah isugu soo dhiibaan Booliska.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed