Ku dhawaad 30 ruux oo ku dhimatay goob laga qodo huxusha laga qodo dalka Kazakhstan

Dab ka kacay goob dhuxusha laga qodo oo u dhow magaalada Karaganda ee dalka Kazakhstan ayaa waxaa ku dhintay 28 qof, sida ay sheegtay wasaaradda degdega ah ee dalkaasi Sabtidii.

252 qof oo shaqaale ah ayaa ku sugnaayeen goobta miinada, sida ay wasaaraddu ku sheegtay war qoraal ah oo ay soo saartay, iyada oo intaa ku dartay in uu socdo hawl galka baadigoobka iyo samata bixinta.

Macdanta waxaa maamula ArcelorMittal, oo ah shirkad wax soo saarta birta oo caalami ah oo fadhigeedu yahay Luxembourg.

Dhacdadaas ka dib, madaxweynaha Kazakh Kassym-Jomart Tokayev ayaa ku amray dowladda in ay joojiso wadashaqeynta kooxda.

Sida laga soo xigtay adeegga warbaahinta dowladda, mas’uuliyiintu waxay heshiis horudhac ah la gaareen saamilayda ArcelorMittal Temirtau, wakiilka deegaanka ee shirkadda. Dhacdadii ugu dambeysay ayaa ah tii labaad muddo saddex bilood gudahood ah dhacdo.

War qoraal ah oo ay soo saartay wasaaradda arrimaha dibadda ee Turkiga ayay uga tacsiyeysay Kazakhstan dabkii khasaaraha badan dhaliyay ee ka kacay goobta laga qodo dhuxusha, iyadoo sheegtay in ay aad uga xuntahay shilka miinada ee ka dhacay dalkaasi.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed