Ku dhawaad 30 qof ayaa ku dhintay daadad ku dhuftay Soomaaliya iyo Kenya

Ugu yaraan 29 qof ayaa ku dhintay in ka badan 113,000 oo kalena waa ay ku barakaceen ka dib roobab mahiigaan ah iyo fatahaado ka dhacay Kenya iyo Soomaaliya.

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa  ku dhawaaqday xaalad deg deg ah, kaddib markii daadad ay sababeen dhimashada 14 qof. Gurmadka deg degga ah ayaa ku hawlanaa sidii loo gaarsiin lahaa dad lagu qiyaasay 2,400 oo qof oo weli ku go’doonsan biyaha fatahaadda degmada Luuq ee koonfurta Soomaaliya ee dowlad goboleedka Jubaland.

Qaramada Midoobey ayaa ku baaqday in la daadgureeyo dadka ku nool hareeraha guud ahaan dhulka uu maro webiga Jubba, iyadoo ka digtay khatar sare oo fatahaad uu ka sameeyo halkaasi iyo hareeraha webiga Shabeelle.

Dalka Kenya, Laanqeyrta Cas ayaa sheegtay in 15 qof ay ku dhinteen daadad. Waxa ay sheegtay in daadadku ay sidoo kale burburiyeen 97 hektar oo dhul-beereed ah ayna dileen 1,067 neef.

Waxaa Cabsi laga qabaa in khasaraaha intaan uu ka sii bato haddii sida ay sheegayaan hey’adaha Qamada Midoobey maaddaama roobab badan la saadaalinayo in imaan doonaan bishaan dhexdeeda.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed