Ku dhawaad 10 ruux oo ku dhimatay magaalada Beledweyne

Faah faahino dheeraad ayaa laga helayaa dad ku dhintay magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan, taasoo ka dhalatay fahaahadaha culus ee uu sameeyay Wabiga Shabeelle ee gobolkaas.

Maamulka gobolka Hiiraan ayaa sheegay in 8 ruux ay ku reeriyoodeen fatahaadii uu sameeyay Wabiga Shabeelle kaas oo ku soo rogmaday xaafaha ay ka kooban tahay magaalada.

Maaamulka  Baledweyne ayaa ka dhawaajiyay in fatahaadu ay sababtay khasaare hantiyadeed oo baaxad leh iyo barakacii ugu xoogana dhowrkii sano ee lasoo dhaafay, iyada oo sidoo kale ay jiraan dadka qaar oo wili ku xayiran guryahooda.

Nadar Tabaax oo ah duqa magaalada ayaa sheegtay in hay’addaha samafalka ay ka gaabiyeen wax ka qabashada xaaladaha culue ee ka taagan gobolka, kuwaas oo aanan qaadan kaalintoodii.

Dadkii ugu badnaa ayaa u barakacay xaafada Ceel Jaalle ee duleedka magaalada Beledweyne.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed