Ku Dhawaad 10 Ruux oo ku Dhimatay Dagaalka Ka Dhacay Sh Hoose

Warar ka imaanaya gobolka  Shabeelada Hoose ayaa sheegaya in halkaas ay uu ku dhacay dagaal Culus oo dhaliyay khasaare xooggan oo iskugu jiro dhimasho iyo dhaawac kadib markii halkaas ay ku dagaaleen maleeshiyaad gobolka wada daga kuwaas oo is gaarsiiyay khaasaro xoog leh.

Inta la Xaqiijiyay 8 ruux ayaa ku dhimatay dagaalkaas halka in ka badan 10 ruux ay ku dhaawacmeen, sida ay xaqiijiyeen goobjoogayaal ku sugan Degmada Walanweyn ee gobolka Shabeelada Hoose.

Dagalkaan aya ahay mid muddo soo jiitamayay oo u dheexayay maleeshiyo beeleed wada dago deegaanno hoosta degmada Walanweyn ee gobolka, Colaadaan ayaa salka ku heyso Dhul ku yaalka deegaanka oo ay muddo isku hayeen labada dhinac.

Dhowr jeer oo hore ayey ku dagaalameen balse waxaa lagu guuleystay in hoos loo dhigo colaada iyo dagaalka balse markale ayuu dib u qarxay.

Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in wili ay jirto xiisad xooggan oo ay labada dhinac wadaan abbaabul dagaaal, ilaa iyo hadda Maamulka degmada Walanweyn wax faah faahin ah kama bixin dagaaladaan.

HBN News Desk

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed