Kororka dhimashada iyo barakaca oo isa soo taraya ka dib roobaba dabeylo wato ka da’ay koofurta iyo bartamaha Soomaaliya

Ugu yaraan 29 qof ayaa ku dhintay in ka badan 305,000 oo qofna way ku barakaceen ka dib roobab mahiigaan ah iyo fatahaado ka da’ay koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya, sida ay saraakiishu sheegeen Talaadadii.

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Soomaaliya Maxamuud Macalin Cabdulle ayaa sheegay in roobabkii Elnino ay saameyntii ugu darneyd ku yeesheen deegaanada Jubbaland iyo Koonfur Galbeed, gaar ahaan gobolada Gedo, Bay iyo Bakool.eegaanada Jubbaland ayaa waxaa ka jira fatahaado uu sameeyay Wabiga Jubba ee Gobolka Gedo, waxaana ka mid ah Degmooyinka Luuq, Doolow, Garbahaarey, Baardheere iyo Ceel-waaq. Roobabka ayaa sidoo kale saameeyay degmooyinka Afmadow iyo Jamaame ee gobolka Jubbada Hoose ee maamulka Jubbaland.

Degaanada Maamulka Koonfur Galbeed, Roobabkan ayaa saameyn weyn ku yeeshay, sida Baydhabo, Buurhakaba, Bardaale, Qansax Dheere, Xudur, Rabdhuure. Maamul goboleedka Hirshabeelle, magaalooyinka Beledweyne iyo Jowhar oo ay wehliyaan tuulooyinka ku dhow ayuu saameyn ku yeeshay, waxaana magaalooyinka Galmudug, Gaalkacyo, Dhuusamareeb iyo Cadaado laga arkay saameynta roobabka aan kala joogsiga lahayn.

Iyadoo laga jawaabayo xaaladdan adag, dowladda federaalka Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday xaalad degdeg ah. Gurmadka deg degga ah ayaa ku howlanaa sidii loo gaarsiin lahaa dadka weli ku go’doonsan fatahaada Wabiga Shabeelle ee ku sugan degmooyinka kala duwan ee Jubbaland iyo Koonfur Galbeed.

Dawladda federaalku waxay si degdeg ah u abaabushay sahay kala duwan, oo ay ku jiraan cunto iyo biyo, oo loogu talagalay in ka badan 305,000 oo qoys oo ay dhibaatadu saameysey. Hay’adda SoDMA oo kaashanaysa Qaramada Midoobay ayaa hal doon iyo labo matoor waxay gaarsiisay degmada Luuq si loogu gurmado dadka ku go’doonsan musiibada fatahaadda. Hay’adda ayaa sidoo kale diyaarisay dawooyin muhiim ah oo looga hortagayo cudurrada ka dhasha biyaha.

Roobabkan culus ayaa yimid hal sano kadib markii Geeska Afrika ay soo food saartay abaartii ugu darneyd muddo 40 sano ah, taas oo ay weheliso sare u kac ku yimid qiimaha cunnada oo ka dhashay dagaalladii Ukraine, isla markaana sababtay in 43,000 oo qof ay ku dhintaan, sida ay sheegtay Qaramada Midoobay.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed