Koonfur Afrika oo maxkamadda caalamiga ah ee cadaaladda u gudbisay dacwad ka dhan ah Israa’iil oo ku saabsan xasuuqa Gaza

Koonfur Afrika ayaa maxkamadda caalamiga ah ee cadaaladda u gudbisay codsi ah in la bilaabo dacwadda ku saabsan xasuuqa ka dhanka ah Israa’iil ee dagaalka ka dhanka ah Xamaas ee Gaza, sida ay maxkamaddu sheegtay Jimcihii.

Koonfur Afrika ayaa Israa’iil ku eedaysay “inay ku xad-gudbayn waajibaadka ka saaran heshiiska Xasuuqa” oo ay Gaza ga geysatay xasuuq ka dhan ah bini aadanimada, iyadoo sheegtay in Israa’iil ay ku xad-gudubtay qawaaniinta caalamiga ah.

Sidoo kale Koonfur Afrika ayaa ka dhawaajisay in xukuumadda Israa’iil ay rabto in ay baa’iso jiritaanka shacabka Falastiin marka la eego duqeymaha aanan loo meel dayin ee ay ku heyso magaalada Gaza, sidoo kale waxay intaas ku dartay in dhibaato kale ku heyso Daanta Galbeed.

Israa’iil ayaa wajahesa caddaadis caalami ah kaddib markii ay weerar dhul iyo cir ah ku soo qaadday Gaza oo ay ku dileen in ka badan 21 kun oo ruux oo u badan caruur iyo haween, isla markaana dhaawaceen in ka badan 52 kun oo kale, halka ay burburiyeen in ka badan kala bar magaaladii.

HBN NEWS DESK

 

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed