Khilaafka doorashada Puntland oo yeelatay waji kale kaddib markii Xildhibaannada ay muddo korosi sameysteen iyo Axmed Karaash oo soo hadlay

Khilaafka arrimaha doorashada Puntland ayaa yeeshay waji kale kaddib hadalkii cuslaa ee xalay ka soo baxay madaxweynaha maamulkaas Saciid Cabdullaahi Deni, kaas ku sheegay in dib loogu laabto xeerkii hore ee 66 xildhibaan ee ka imaanayay odayaasha dhaqanka in soo xulaan xubnaha baarlamaanka.

Maanta baarlamaanka Puntland ayaa kulan ay yeesheen waxay ku sameysteen muddo kororsi hal sano ah, kuwaas oo taageeray go’aankii shalay ka soo baxay Isimmada maamulka SSC khaatumo ee ku howlanaa xal u helida khilaafka doorashada Puntland, isla markaana soo jeediyay in baarlamaanka hadda jiro loogu daro 12 bilood, si ay usoo doortaan madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa

Baarlamaanka ayaa loo qeybiyay lifaaqyo ku saabsan  go’aankii Isimmada, kuwaas oo si deg deg ah u meel mariyay muddo kororsi hal-sano ah, waxayna meesha ka saareen hadalkii ka soo baxay madaxweyne Deni oo ay ku sheegeen in waqtigiisa uu dib u dhacay, sidaa aw-geedna ay la wareegeen go’aanka arrimaha doorashada guud ahaan.

 

Guddoomiyaha baarlamaanka, Cabdirashiid Yuusuf Jibriil ayaa ka dhawaajiyay inuu saacadaha soo socda soo magacaabayo guddiga doorashada madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa, sida uu hadalka u dhigay.

Dhanka kale galabta madaxweyne ku xigeenka Puntland Axmed Karaash, ayaa soo saaray bayaan uu ku taageerayo tallaabada muddo kordhinta ay sameeysteen Golaha Wakiilada Puntland, taas oo xaaladda sii hurisay, waxana ka dashay hadal heyn xooggan, iyada oo la is weydiinayo waxa dhici doona.

Lama oga sida uu ku dhaqan geli dooono go’aanka baarlamaanka Puntland oo taageero ka helay madaxweyne ku xigeenka, halka madaxweyne Deni uu ku dhawaaqay in Puntland ay ku laabatay doorashadii 66 xildhibaan ee horey loogu dhaqmi jiray.

Madaxweyne Deni aya qorshihiisu ahay in marka baarlamaanka uu soo saaro lifaaqa doorashada uu soo magacaabo guddiga ansixinta baarlamanka, kadibna lakala diro baarlamaanka waqtigiisa uu dhamaaday.

HBN NEWS DESK

 

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed