Khilaaf xooggan oo u dhaxeeya madaxda Galmudug kaas oo ka dashay dagaalka Al shabaab

Khilaaf xooggan oo soo kal dhex-galay madaxda ugu sarreyso maamulka Galmudug ayaa yeelatay wajiyo badan oo aanan la saadaalin karin markii hadalo lid isku ah ay isku mariyeen warbaahinta, kuwaas oo jeediyay warar dhaliyay hadal heyn xooggan.

Madaxweyne ku xigeenka dowlad goboleedka Galmudug Cali Daahir Ciid ayaa ku eedeeyay madaxweynaha maamulkaasi Axmed Cabdi Kaariye QoorQoor in uu qeyb ka qaatay fashilinta howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda deegaanada maamulka Galmudug.

Eedeyntan ayaa timid kadib markii Madaxweyne ku xigeenka Ciida uu shaqada ka joojiyey Wasiirka Arrimaha Gudaha Galmudug Cabdi Maxamed Diiriye Waayeel, isagoo ku eedeeyay inuu wiiqay howlgallada ciidamada. Hase ahaatee Madaxweyne Axmed QoorQoor ayaa ka soo horjeestay go’aankan, wuxuuna caddeeyay in tallaabada uu qaaday Madaxweyne ku xigeenka ay ka horimaaneyso dastuurka Galmudug, isla markaana ay dhaaftay awoodihii uu dastuurku siiyay Madaxweyne ku xigeenka.

Cali Daahir Ciid oo wareysi bixiyay sheegay in Wasiirka iyo Madaxweynaha ay ka mideysan yihiin sidii loo dumin lahaa dadaallada uu Madaxweyne Xasan Sheekh ku doonayo in Al-Shabaab looga cirib tiro deegaanada Maamulka Galmudug.

Cali Ciid ayaa ku nuux nuuxsaday in dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab aan la siyaasadeyn, isagoo muujiyay in uu u dulqaadan waayay Wasiirka Arrimaha Gudaha oo diirada saaraya arrimo aan la xiriirin dagaalka ka dhanka ah Al Shabaab.

Khilaafkan guud ee u dhaxeeya madaxda Galmudug ayaa ah kii ugu horeeyay ee noociisa ah tan iyo markii loo doortay xilalka hogaanka kadib markii ay soo wada shaqeeyeen muddo saddex sano iyo dheeraad ah.

Si kastaba ha ahaatee, howlgallada milateri ee ay hoggaaminayaan ciidamada dowladda federaalka ayaa la kulmay dib u dhac kadib weerar khasaara badan uu dhaliyay weeraro  Al-Shabaab ay ku qaadeen labo guuto oo ka tirsan ciidamada milateriga Soomaaliya gobolka Galgaduud.

HBN NEWS DESK

 

 

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed