Khasaaro Ka Dhashay Madaafiic Lagu Garaacay Bariire.

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya Madaafiic lagu garaacay degmada Bariire ee gobolka Shabeelada hoose, kuwaas oo dhaliyay khasaaro iskugu jiro dhimasho iyo dhaawac.

Wararka hordhaca ah  ee aan heleyno ayaa sheegaya in dad shacabka oo ka ag-dhawaa halka ay ku soo dhaceen hoobbiyaasha in ay dhaawac u geysteen ilaa 5 ruux oo kamid ah dadka deegaanka ee Bariiro.

Madaafiicdaan ayey dadka deegaanku sheegeen ay soo rideen Ciidanka Nabad Ilaalinta u joogo Soomaaliya ee ATMIS,  kuwaas oo sheegay in maalmihii la soo dhaafay hoobiyaal aanan la garaneyn ay ku soo dhaceen Bariire iyo deegaanno hoostaga.

Mid kamid dadka magaalada Bariire ayaa sheegay Ciidanka ATMIS ee ay soo tuureen madaafiicda dhalisay khasarahaa.

Majiro wax war ah oo ka soo baxay dhanka Ciidanka Midawga Afrika ee ATMIS ee ku aaddan eedda loo jeediyay. Dhanka kale dowladda Soomaaliya ilaa hadda kama aysan hadlin dhacdadaasi.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed