Khasaaro Ka Dhashay Dagaal Ciidanka Dowladda iyo Al-shabaab Dhex-maray.

 Muqdisho (Hbn tv)-Faah faahino kala duwan ayaa laga helayaa dagaal Xooggan oo dhex maray Ciidanka dowladda iyo Kooxda Al-shabaab, Waxana laga soo warrinayaa Khasaare kala duwan oo labada dhinac ah.

dagaalka ayaa ka dhacay deegaanka Goof-gaduud Buureey ee Gobolka Baay, dhawaqa rasaasta ayaana laga maqlay deegaanka guud ahaan.

Dagaalka ayaa waxaa uu ka dambeeyay kadib markii sida la shegay Xubno katirsan Al-Shabaab ay weerareen Saldhigga Ciidamada dowladda iyo kuwa Koonfur Galbeed ee degaanka goof-gaduud Buureey, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal leysku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.

Si rasmi ah looma xaqiijin Khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay dagaalka, balse Askar ka tirsan Koofur Galbeed ayaa ku dhaawacmay dagaalka, ilaa labo Askari ayaa la sheegay.

Dhanka kale Saraakiil ka tirsan Ciidanka ayaa ku warramay in Khasaaro Xooggan ay gaarsiiyeen Kooxda Al-shabaab.

 

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed