Khasaaro Ka Dhashay Ciidanka Kenya oo Qaraxyo Lala Eegtay.

Muqdisho (Hbnonlinetv)- Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya, qarax lala eegtay Ciidanka kenya kuwaas oo Safar ku jiray.  khasaaro iskugu dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay qaraxaan oo ka dhacay, duleedka magaalada Lamu ee Waqooyi bari kenya.

Wararka la helay ayaa sheegaya in qaraxa oo ahaa miinada nooca dhulka lagu Aaso uu ka dhacay inta u dhaxaysa deegaannada Kiyuunga iyo Shangaani oo ka tirsan Magaalada Laamu, isla markaana lala beegsaday Gaari Ciidan oo ay saarnaayeen Ciidamo katirsan kuwa Kenya.

Lama oga khasaaraha inta uu gaarsiisan yahay, balse waxaa laga soo warrinayaa in Askarta Keenyaanka ah la gaarsiiyay dhimasho iyo dhaawac.

Sarkaal u hadlay Ciidamada Kenya ayaa xaqiijiyay qaraxaas, balse faah faahin dheeraad ah kama bixin khasaaraha ka dhashay.

Tira dhowr jeer ah ayaa Ciidanka kenya lala beegsaday qaraxyo iyo weeraro kala duwan, waxana Masuuliyadda sheegan jiray Ururka Al-shabaab.

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed