Khasaaro Ka Dashay Suuq Ku Yaal Jigjiga oo Gubtay

Dab oo xooggan ayaa xalay ka kacay suuqa wayn oo ku yaal magaalada Jigjiga kaas oo lagu magacaabo Taywaan, dabkaan ayaa geystay khasaaro badan, oo saameyay guud ahaan goobihii ganacsiga kuwaas oo gubtay.

Dabka ayaa bilaawday xilliga habeenkii oo suuqa laga kala hoyaaday, qiica iyo uurada ayaa laga arkay dhammaan magalada iyo deegaannada gobolka, ilaa iyo hadda lama xaqiijin heerka uu gaar siisan yahay khasaaraha hanti ee uu sababay dabkaasi.

Gurmad ay sameeyeen maamulka magaalada iyo dadk deegaanka ayaa lagu guuleystay in la damiyo, taas oo qaadatay muddo sacado ah, Suuqa ayaa ku yeel geeska magaalada, dhismooyinka suuqa ayaa u badnaa Jiingada waana sababta keentay in dabku si xowli ah uu u sameeyo dhismaayaashii ku yaalay.

Bilaawgii Sannadkaan ayey aheyd markii dab xooggan uu ka kacay suuq ku yaal magaalada Jigjiga ee dowlad deegaanka Soomaalida, waxana ku burburay hanti badan, kadib markii uu suuqaas besbeelay.

HBN NEWS DESK

 

 

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed