Khasaarihii ka dashay roobabkii iyo fatahaadihii oo sii kordhaya iyo tiro koobyo laga sameeyay

Khasaaraha ka dhashay daadad xooggan iyo roobabka ka da’ay Soomaaliya ayaa sii kordhaya, ku dhawaad ​​100 qof ayaa ku dhintay sida uu xaqiijiyay Maxamuud Macalin oo ah madaxa hay’adda ka hortagga masiibooyinka Soomaaliya.

Fatahaadaha oo ay sababeen roobabkii dayrta ee billowday horraantii bishii Oktoobar 2023-kii oo ay uga sii dareen fatahaada webiyada Jubba iyo Shabeele, ayaa waxaa ka dhashay burbur tiro beel ah. Maxamuud Macalin Cabdulle Guddoomiyaha Hay’adda ka hortagga Musiibooyinka ee SODMA oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in dhimashadu ay gaareyso 96 ruux.

Saamaynta daadadka ayaa galaaftay khasaaraha nafeed, iyadoo ku dhawaad ​​900,000 oo qoys ay si xoog ah uga barakaceen guryahoodii. Qoysaskan oo hadda meelo kala duwan u baadi-goobaya badbaado, ayaa waxaa soo food saartay xaalad nololeed oo aad u adag, iyagoo aan haysan agabkii ay u baahnaayeen sida hoy, cunto, biyo nadiif ah, iyo dhaqaale.

Maamul goboleedyada Jubbaland, Koonfur Galbeed iyo Hir-shabeelle ayaa waxaa ka jira dhibaatooyinka ugu badan, waxaana lagu qiyaasaa 2.3 milyan oo qof. Khasaaraha ka dhashay waxaa ka mid ah 136,045 kiis oo la diiwaan galiyay oo hanti beelay, kuwaas oo isugu jiray gaadiid, guryo iyo agabyo kale oo muhiim ah.

Waxaa socda dadaallo gargaar oo wax looga qabanayo baahiyaha degdegga ah ee qoysaska ay dhibaatadu soo gaartay. Dowladda oo gacan ka heleysa hay’ado samafal ayaa wadda dhaqaalo ay ugu talagaleen in gargaar loo gaarsiiyo dadka la tacaalaya dhibaatooyinka ka dhashay fatahaadaha.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed