Kenya oo xabsiga dhigtay askar boolis ah oo waday tahariibin dad ajaanib ah kuwaas oo baaritaanno lagu wado

Maamulka Kenya ayaa gacanta ku dhigay labo askari oo ka tirsan booliiska, kuwaasoo lagu helay inay 13-qof ka tahriibinayeen dalka Itoobiya, iyagoo isticmaalayay gaari ay booliiska lahaayeen.

Sida ay ku warrantay warbaahinta gudaha, saraakiishan ayaa waxay wateen 8 Itoobiyaan ah, 4 Eriteriyaan ah iyo hal Suudaani ah, waxayna wateen baabuur ay leeyihiin ciidamada booliska ee ku sugan xuduudka Kenya.

Askartan oo ku hubaysnaa qoryo ay soo saareen booliiska ayaa laga soo qabtay gobolka Turkana ee waqooyi-galbeed Kenya oo xuduud la leh dalka Itoobiya.

Maamulka ayaa sheegay in sidoo kale ay gacanta ku dhigeen Ajaanibtaasi, waxaana loo badinayaa in la horkeeni doono Maxkamad ku taala dalka Kenya ama dib loogu celin doono dalalkooda.

Ajaanibta ayaa  ku sii jeeday dalka Koonfur Afrika.

HBN NEWS DESK

 

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed