Dowladda Kenya ayaa shaacisay magacyada iyo sawirrada 35 qof oo looga shakisan yahay inay ka tirsan yihiin Argagixiso oo la rumeysan yahay inay ka dambeeyeen weerarradii ugu dambeeyay ee dagaalyahannada Al-shabaab ay ka geystaan gobolka xeebta ah ee Lamu.
Dadkan ayaa isugu jira Tansaaniyaan, Soomaali, Jarmal, dad heysto dhalasho Ingiriis ah, iyo muwaadiniin u dhashay Bangladesh, iyadoo dadka ugu badan ay yihiin Kenyaan.
Eedeysanayaasha ayaa lala xiriirinayaa inay Wadooyin kala duwan ku xireen Walxaha Qarxa, kuna dileen dad shacab ah Waddada isku xirta Lamu-Witu-Garsen.
Waxaa sidoo kale lala xiriirinayaa weerarkii lagu qaaday saldhigga ciidamada Mareykanka ee Manda Bay, Lamu, sanadka 2020-ka.
Wasaaradda arrimaha gudaha ayaa sheegtay in tuhmanayaasha “hubaysan iyo kuwa khatarta ah” ay qayb ka yihiin “shabakadda Al-Shabaab ee mas’uulka ka ah qorsheynta iyo abaabulka weerarrada lagu hoobtay ee gobolka Lamu iyo gobolka weyn ee Boni Enclave ee dalkaas”.
Maamulka ayaa sheegay in abaalmarin la taaban karo la siin doono cid kasta oo keenta xog ku saabsan halka uu ku sugan yahiin eedeysanayaasha. Al-Shabaab ayaa bilihii lasoo dhaafay kordhiyay weerarada ay ka geysanayaan gobolada Waqooyi Bari iyo xeebaha dalka Kenya.
HBN NEWS DESK