Kenya oo ku dhawaaqday xilliga ay dhammaan ciidamadeeda kala baxeyso Soomaaliya

Wasiirka Difaaca Kenya Aadan Ducaale ayaa  sheegay in ciidamada Kenya ay soo gabagabeynayaan ka bixitaankooda Soomaaliya marka la gaaro Dec 31, 2024 ee sanadka soo aaddan.

“Ciidamada ugu dambeeya waxaa la filayaa inay ka baxaan Soomaaliya 31-ka December 2024 sida ku cad qaraarka iyo qorshaha Midowga Afrika (AU) iyo Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay,” ayuu Ducaale u sheegay Senatka.

Wuxuu sheegay in Kenya ay billowday in ciidamadeeda ay kala baxdo Soomaaliya bisha April ee sanadka 2021-ka, taasoo qeyb ka ah ka bixitaanka Midowga Afrika ee AMISOM.

Ciidamao  ka kala socda Itoobiya, Uganda, iyo Kenya ayaa ka mid ah 2,000 oo askari oo ATMIS ah oo ilaa hadda ka baxay Soomaaliya. 200 oo askari oo Jabuutiyaan ah iyo 600 oo askari oo Burundi ah ayaa iyaguna baxay.

Soo gelitaanka ciidamada Kenya ee Soomaaliya sanadkii 2011 ayaa waxaa sabab u ahaa afduubyo xiriir ah oo ay geysanayeen  Al-Shabaab iyo in ay xoojiyada sugida ammaanka Soomaaliya.

Xilligaas argagixisadu khatar weyn kuma ahayn Soomaaliya oo keliya balse waxay khatar ku ahayd xasilloonida gobolka Bariga Afrika oo dhan, sida masuuliyiinta gobolka ay ka sheegeen shirarka afrika ee urur goboleedka IGAD.

Askarta Kenya oo hadda tiradoodu ka badan tahay 4,000 sida uu sheegay Ducaale ayaa si hagar la’aan ah ula shaqeeyay ciidamada kale ee ATMIS-ka si ay ula dagaallamaan ururka Al-Shabaab.

Wuxuu sheegay in dadaalka ay wadaan ciidamada Kenya ay qeyb weyn ka qaateen sidii loo dhimi lahaa awooda argagixisada iyo soo celinta xasiloonida gobolada dalka Soomaaliya.

Boqolaal Kenyan ah ayaa la dilay Soomaaliya, balse Ducaale ayaa ka gaabsaday in uu sheego tirada saxda ah, isagoo xusay in dowladdu ay mag-dhaw buuxda siisay qoysaskii ay ka geeriyoodeen askartii dhimatay.

Kenya ayaa dib u dhigtay qorshe ay 754 ka mid ah ciidamadeeda kala baxayso ilaa 30-ka September.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed