Kenya oo Joojisay Hishiis ay la gashay Soomaaliya oo ku aadan furitaan xuduudka.

Dowladda Kenya ayaa ka dhaawajisay arrimo la xiriiro furitaanka xadka ay la wadagto soomaaliya, kadib hishiis dhawaan ay gareen labada dal ee ku aadan furitaan xaduudka, kaas oo xirnaay taniyo 2011, Kenya ayaa shaacisay in ay joojisay hishiisaasi, dibna u dhigtay.

Kenya ayaa sababta ku ku sheegtay in muddooyinkii dambe ay bateen weerarada kooxda Al-shabaab ay ka geysteen xaduudka, iyo khatarta amni oo ballaaran ay soo wajahday shacabka dalkaasi.

ayaa ku dhawaaaqday inay dib u dhigtay in dib loo furo xadka ay la wadaagto Soomaaliya, sababo la xiriira khataro dhanka ammaanka ah oo kaga imaanaya kooxda Al Shabaab.

Xoghayaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha dalka Kenya, ayaa ku dhaawaqay in dib loo dhigay hishiiskii lagu furaayay xadka oo ay horay u kala saxiixdeen Soomaaliya iyo Kenya, waxaa uu intaasi raaciyay inta laga takhalusaayo dhibaatooyibnka amni ee ka imanaya Al shabaab, loonahay baahan yahay in si wadajir looga adkaado kooxda, waxaa uu soo hadal qaaday in labada dal ay dib kawada shaqeyn doonaan.

Xoghayaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha dalka Kenya, ayaa Hadalkan ka sheegay xerada qaxootiga ee Dhadhaab xilli uu maanta halkaasi gaaray,  isagoo ku guda jiray socdaalka joogtada ah ee uu ku marayo gobollada waqooyi uu sii wadi doono  si uu ugu guur galo wax ka qabashada weerarada argagixisinimo ee ka imaanaya dhinaca Al-shabaabta Soomaaliya.

Hdalkaan ayaa imanaya iyada oo horay labada dal ay hishiis uga gaareen in muddo 90 cisho ah dib loo furo xuduudka oo in ka badan 10 sanno xirnaay.

 

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed