Kenya oo duqeyn ka fulisay gobolka Gedo.

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya,  duqeyn ka dhacday gobolka Gedo ee Jubaland, duqeyntaan ayaa waxaa fuliyay diyaaradaha dagaalka ee dalka Kenya, faah faahinno kala duwan ayaa ka imanaya khasaaraha ka dashay, waxana la soo warriyay dhimasho iyo dhaawac.

Maamulka Jubbaland ayaa sheegay in   diyaaradaha dagaalka ee dalka Kenya in ay  duqeymo culus ka geysteen deegaanka Ceel Cadde ee gobolka ee gobolka Gedo.

Diyaraadaha dagaalka Kenya duqeymaha ay ka fuliyeen deegaanka Ceel Cadde ayaa waxaa ay sababeen khasaare kala duwan sifa  dhimasho iyo dhaawac soo gaaray dad shacab ah oo daganaaa deegaanka.

Goobjoogayaal ayaa aqiijiyay geerida laba qof  oo shacab  kuwaas oo kamid ah dadka deegaanka, magacyadooda lagu kala sheegay Sheekh Cabdiraxmaan Sheekh Cabdullaahi iyo ruux oo aanan magaciisa la faah faahin. 

Majirto wax war ah oo ka soo baxaya maamulka Jubaland iyo dowladda Soomaaliya ee ku aadan duqeynta diyaaradaha dalka Kenya ay ka geysteen gobolka Gedo ee Jubaland. Tiro dhowr jeer ayaa lagu eedeyay Kenya in duqeymo ay ka fuliyeen Koofurta Soomaaliya ay ku dileen dad shacab ah.

HBN NEWS DESK  

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed