Kenya oo diwaanagalisay kiiskii ugu horeeyay cudurka Ebola 

Dowladda Kenya ayaa xaqiijisay kiiskii ugu horreeyay ee cudurka Ebola Bundibugyo, kaas oo laga helay magaalada Caasimadda ee Nairobi. Wasiirka Caafimaadka, Aadan Barre Ducaale, ayaa sheegay in bukaanku ahaa muwaadin Kenyan ah oo muddo ku noolaa Jamhuuriyadda Congo (DRC), halkaas oo uu ku xanuunsaday─laguna daweeyay dhowr isbitaal.

Bukaanka ayaa DRC uga safray caasimadda Uganda ee Kampala, kadibna duulimaad diyaarad ah uga sii gudbay Nairobi oo uu tagay 3-dii bishaan Oktoobar 2026. Garoonka Jomma Kenyata oo uu maray ayaa la sheegay lagu marsiiyey baaritaanno caafimaad, balse markii dambe waxaa si toos ah loogu qaaday Isbitaal magaalada ku yaalla.

Waxaa si degdeg ah loogu go’doomiyay qaybta gargaarka degdegga ah, kadibna loo wareejiyay xarunta go’doominta ee East Wing, oo la dhisay xilligii COVID-19.

“Wasaaradda Caafimaadka Kenya waxay jeclaan lahayd inay bulshada ku wargeliso inay xaqiijisay kiiskii ugu horreeyay ee cudurka Ebola ee nooca Bundibugyo, kaas oo dalka dibadda looga soo geliyey. Bukaankani waa muwaadin Kenyan ah oo toddobadii sano ee la soo dhaafay ku noolaa Congo. Wuxuu xanuunsaday qiyaastii bil ka hor, waxaana lagu daweeyey dhowr isbitaal intii uu weli ku sugnaa DRC” ayuu yiri wasiir Ducaale.

Kiiskan ayaa walaac gaar ah ku haya Kenya iyo gobolka geeska Afrika, maadaama Nairobi ay xiriir ganacsi iyo socdaal oo xooggan la leedahay dalalka gobolka, gaar ahaan Soomaaliya, iyo guud ahaan dhulka ay degto ee geeska Afrika. Tani waxay saameyn ku yeellan kartaa dalalka kale ee dariska ah, iyada oo dhinacyada dadkoodu u socdaalaaan caasimadda Nairobi ay hadda kadib wajihi doonaan baaritaanno badan.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed