Kenya oo Dhiseyso 14 Saldhiga Xadka Soomaaliya.

Dowladda Kenya ayaa sheegtay in 14 saldhig ay ka dhiseyso  xadka Kenya iyo Soomaaliya, taasoo qayb ka ah dadaallada lagu xoojinayo ammaanka aaggaas, gaar ahaan xuduudka labada dal.

Tani waxay ka horraysaa qorshaha dhimista ciidamada Kenya ee Soomaaliya, sida uu sheegay wasiirka gaashaandhigga, Aadan Ducaale.

“Waxaan si buuxda nooga go’an in marka la dhimo Hawlgalka Midowga Afrika ee Ku-meel-gaarka ah ee Soomaaliya (ATMIS) uu yimaado, in aan dal ahaan amaankeena xaduudka sugno, si loog a hortago in Al shabaab ay xadka ka soo gudbaan”.

Madaxweyne William Ruto ayaa wareysi uu bixiyay ku sheegay in dhimistaasi ay bilaaban doonto sanadka 2024-ka si Soomaaliya loogu ogolaado in Ciidankeeda ay la wareegaan ammaanka guud ahaan dalka.

Dhankale  Wasiirka difaaca Ducaale, ayaa hadalkan ka sheegay mar uu hor-tagay Guddiga Waaxda Difaaca, Sirdoonka iyo Xiriirka Dibadda, si uu u difaaco Miisaaniyadda Wasaaradda ee sannad-maaliyadeedka 2023/24.

Hadalkaan aya imaanaya iyada oo lagu wado in Ciidanka ATSIM Soomaaliya laga saaro 2024 Bisha December, balse si tartiin tartiib ah ayaa Ciidanka loo saari doonaa sida lagu faafiyay maalmo kahor Warbaahinta Ciidanka ATMIS

Si kastaba,  Al-Shabaab ayaa weeraro ku qaaday deegaano ka tirsan gobolka gaar ahaan ismaamulada Mandera iyo Gaarisa kadib markii ay ka gudbeen aagaga amaanka, taasi oo sababtay dhimashada iyo dhaawaca dad badan oo isugu jira shacab iyo askar.

 

 

 

 

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed