Kenya oo beenisay in Al Shabaab 60% ka taliyaan gobolka Mandheera ee dalkaasi

Guddoomiyaha Mandheera, Mohammed Adan Khaliif, ayaa jawaab ka bixiyay hadal uu horay u sheegay oo warbaahintu qortay ayaa ka dhawaajiyay in si khaldan loo fahamy,  hadalkaas ayaa ahay mid lagu sheegay in 60% Al-shabaab ay maamulaan gobolka Mandheera ee dalka Keny.

Qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka Sabtidii, ayuu kaliya ku sheegay in joogitaanka Al Shabaab gobolka Mandheera ay ka badan yihiin boqolkiiba 60%.

“Waxaa ii soo baxday in hadalkaygii ku saabsanaa joogitaanka Al-Shabaab ee Mandheera ee shirkii xuduudka Soomaaliya ee Kenya in ay saxaafaddu si aan sax ahayn u qortay, waxaan si cad u sheegay in Al-Shabaab joogitaanka  ay ka badan yihiin boqolkiiba 60,” ayuu yiri.

Laakiin waxaa uu meesha ka saaray in Al-shabaab ay maamulaan gobolka 60%, asiga oo intaas raaciyay in si khadlan loo fahmay hadalkiisa Guddoomiyaha gobolka Mandheera.

“Saxaafaddu si khaldan ayay ii soo xigatay, iyadoo been ka sheegtay inaan idhi,” Al-Shabaab in maamulaan 60% gobolka Mandheera.

Waxa uu sheegay in war-murtiyeedka uu ka soo saaray shirka uu diiradda ku saaray joogitaanka iyo dhaqdhaqaaqyada ay kooxdaasi ka waddo gobolka. Khaliif ayaa sheegay in fariinta ay warbaahinta ka baahiyeen ay tahay mid been abuur ah oo shacabka lagu marin habaabinayo.

Waxa uu xusay in uusan wax hadal ah ka soo saarin in Al-Shabaab ay ka taliyaan 60% gobolka Mandheera ee Waqooyi Bari ee dalka Kenya.

Sidaa darteed, waxa uu ku booriyay warbaahinta inay saxaan khaladka dhacay, isla markaana ay bulshada u soo gudbiyaan xogta dhabta ah.

Si kastaba, ilaa shalau waxaa warbaahinta dalka Kenya ay qorayeen in 60% Al-shabaab aya ka taliyaan gobolka Mandheera, kadib markii ay soo xigteen gudoomiyaha gobolka, kaas oo meesha ka saaray in hadalkaasi.

HBN NEWS DESK.

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed