Kadib hoggaanka cusub oo ay doorteen Golaha maamulka SSC-khaatumo 2 arrin midkood oo ay qaadi doonto dowladda Soomaaliya

Golaha dhexe ee maamulka ee SSC-khaatumo ayaa doortay hoggaamiye cusub doorasho xamaasad leh oo ka dhacay magaalada Laascaanood xarunta Gobolka Sool, tartanka waxaa isku haray wareegii labaad Cabdulqaadir Axmed Firdhiye iyo Maxamed Bulaale.

Golaha dhexe ee SSC-Khaatumo ayaa hoggaamiyaha maamulka u doortay Cabdulqaadir Axmed Firdhiye, kaas oo helay 30 cod halka Maxamed Bulaale oo tartanka looga adkaaday uu  helay 15 cod, hoggaamiyaha cusub ayaa hoggaamin doona maamulka SSC-khaatumo labada sano ee soo aaddan.

Doorashadaan ayaa ku soo beegmeyso iyada oo dagaal xooggan 6 bil ee la soo dhaafay uu ka socday duleedka magaalada Laascaanood, kaas oo u dhaxeyo Somaliland oo diidan in gacanteeda uu ka baxo  gobolka Sool iyo Ciidamada deegaanka SSC-khaatumo oo ka soo horjeeda inay hoos tagaan Somaliland.

Isla doorashadan maanta ka dhacday magaalada Laascaanood, waxaa kuxigeenka hoggaamiyaha SSC loo doortay Mohamed Abdi Ismail (Shiine).

Dowladda Soomaaliya ilaa hadda kama aysan hadlin maamulka cusub ee ka dhashay magaalada Laascaanood, waana dood culus oo taagan go’aanka ay qaadan doonaan madaxda sare dalka, in ay soo dhaweeyaan iyo in ay ka aamusaan.

Haddii dowladdu ay soo dhaweyso maamulka cusub ee Laascaanood, waxay ka dhigan tahay in uu noqon doono mid la aqoonsan yahay oo lamid ah maamulada kale ee dalka, waana  arrin dhabar jab ku ah Somaliland sida ay qabaan falanqeynyaasha maaddaama Hargeysa ay xoogeeda iskugu geysay in Laacaanood aysan ka bixin gacanteeda taniyo bishii labaad ee sannadkaan markaas oo uu bilaawday dagaal galaaftay naf iyo maal.

Haddii ay ka aamustana waxaa ka dhalin kara dooddo xooggan iyo sidii dowladda dhexe ay ka yeeli laheyd maamul raadinaya midnimada Soomaaliya, dagaalna kula jira Somaliland oo diidan in ka badan 30 sanno midnimada Soomaaliya, khubarada siyaasadda ayaa qabo aragtiyo kala duwan oo arrintaan la xiriirto, iyaga oo ku dooddaya in Madaxweyne Xasan Sheekh ay hortaalo labo go’aan oo aad u adag.

HBN NEWS DESK

 

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed