Jubbaland oo sheegtay in ciidamadeeda ay ka hortageen weerar ay Al-Shabaab ku soo qaadeen xadka Soomaaliya iyo Kenya

Ciidamada maamulka Jubaland ayaa howlgal ay ka sameeyeen magaalada Dhoobley ee xuduudka ku taalla waxa ay ku fashiliyeen qarax Miino iuo weeraro ay qorsheynayeen, sida ay sheegeen maamulka deegaanka.

Qaraxan oo ahaa Miinada nuuca dhulka lagu aaso ayaa la sheegay in lagu aasay mid ka mid ah Wadooyinka ugu muhiimsan degmada Dhooleey ee gobolka Jubada Hoose, waxaana ujeedka uu ahaa in lagu bartilmaameedsado Mas’uuliyiinta Gobolka iyo kuwa Degmada.

Sarkaal ku sugan magaalada ayaa sheegay in ay ku guuleysteen in ay fashiliyaan qarax miino oo Al-Shabaab ay ku aaseen wadada dhinaceeda ka hor inta aysan qarxin. Tani waxay timid ka dib markii xog-bixin la siiyay laamaha ammaanka.

“Ciidanka Jubbaland ee ku sugan degmada Dhoobley ayaa fashiliyay Miino dhulka lagu aasay oo Al-Shabaab ay doonayeen inay ku dhibaateeyaan shacabka” ayuu yiri sarkaalka ka tirsan ciidamada Jubbaland oo magaciisa qariyay.

Al-Shabaab ayaa kordhisay weerarada ay ku qaadayaan miinooyinka dhulka lagu aaso iyo gawaarida qaraxyada lagu xiro kadib markii ciidamada dowladda iyo dadka deegaanka ay khasaaro xooggan gaarsiiyeen dagaaladii tooska ahaa ee ka dhacay gobolada dhexe.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh  ayaa sheegay in wajigii 2-aad ee howlgalka ciidamada uu ka bilaaban doono dowlad goboleedyada Jubbaland iyo Koonfur Galbeed marka uu soo idlaado wajigii 1-aad.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed