Jubbaland iyo Kenya oo kawada hadlay arrimaha ammaanka iyo howlgallo ka dhan ah AS

Madaxweynaha Dowlada Gobolleedka Jubaland iyo Taliyaha ciidamada Millatariga dalka Kenya oo kulan ku yeeshay magaalada Kismaayo ayaa kawada hadlay arrimo kala duwan oo ku saabsan ammaanka, dagaalka wajiga labad ee Al-shabaab, dib u xorreynta deegaannaada AS ay kaag sugan yihiin Jubbaland iyo arrimo kale.

Axmed Maxamed Islaam iyo  Taliyaha Ciidamada Milateriga Kenya (KDF) Gen Francis Omondi Ogolla kaas oo booqasho ku yimid Jubaland ayaa  iska warreystay sidii ciidanka dalka Kenya ay gacan uga geysan lahaayeen howlgallada lagu wado in laga bilaabo deegaannada Jubbaland oo ka dhanka ah Al-shabaab.

Axmed Madoobe ayaa sheegay in muhiimada ay leedahay in dowladaha deriska la ah Soomaaliya, gaar ahaan Kenya ay uga qeyb qaaadan laheyd in Al-shabaab laga saaro deegaannada ay kaga sugan yihiin gobolkaas.

Taliyaha ciidanka Millatirga kenya ayaa sheegay in ay ka go’an tahay ka qeyb qaadashada nabadda Soomaaliya iyo sidii loo taageeri lahaa ciidamada dowladda Soomaaliya, waxaa uu soo hadal qaaday in Al-shabaab ay qatar ku yihiin Kenya, iyaga oo dhowr jeer weeraro iyo qaraxyo ka fuliyay xadka labada dal ay wadaagaan.

Jubbaland iyo Kenya ayaa wadaago xuduudo baaxad weyn, halkaasi oo Al-shabaab ay ka geystaan falal amniga liddi ku ah iyo weeraro aanan loo meel dayin.

Dhinaca kale hawlgalka ATMIS ayaa soo gabo gabeeyey wejigii koowaad ee ka bixista Soomaaliya iyagoo Ciidanka Xoogga ku wareejiyey degmada Cadale, deegaannada Xaaji Cali, Mirtaqwo iyo deegaanada Arbacow, iyo Aljazeera ee Muqdisho,Gerileey ee Degmada Ceelwaaq ee gobolka Gedo,hawlgalkan ayey ATMIS dalka kaga saartay 2000 oo ka tirsan Ciidanka ATMIS.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed