Jeyte oo ka soo muuqday kulankiisii ugu horreyay taniyo markii uu noqday u qeybsamaha xafiiska Madaxweynaha ee Macawsleyda

Cali Jeyte oo dhawaan madaxweynaha Soomaaliya u magaacabay u qeybsamaha xafiiska madaxweynaha ee ciidamada deegaanka ee loo yaqaan Macawsleyda ayaa kulan xasaasi ah la yeeshay,Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Soomaaliya  Maxamuud Macallin Cabdulle.

Kulankaan ayaa xarunta dhexe ee hay’adda SoDMA, Kulanka ayaa diiradda lagu saaray sidii hay’addu u sii xoojin lahayd howlaha gargaarka ee la gaarsiinayo degaannada laga saaray ururka Al shabaab iyo ka warqabka qoysaska ciidanka Macawisleyda ee naftooda u huraya nabadeynta waddanka, sida lagu sheegay qoraay ay soo saareen.

Guddoomiyaha SODMA ayaa u ballan qaaday u qeybsamaha xafiiska Madaxweynaha ee Macalisleyda, in ay hay’addu si dhow ugala shaqeyn doonto arrimaha samafalka ee uu dalbaday iyo sii laba jibaaridda u gurmashada dadka nugul ee la dhibaatoonaya saameynta abaaraha muddada dheer ah iyo fatahaadaha roobabka xooggan ee dalka ka da’aya.

Waa kulankii ugu horreyay ee ka soo muuqanaya Cali Jeyte taniyo markii loo magacaabay maalmo ka hor u qeybsamaha xafiiska Madaxweynaha ee Macalisleyda.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed