Jen Morgan oo caawa muujiyay inaanu joogin Laascaanood ka dib hadalkii Somaliland

Jeneral Maxamed Siciid Xirsi Morgan oo xilal kala duwan ka soo qabtay xukuumaddii Maxamed Siyaad Barre kana mid ahaa saraakiishii sar sare ee ciidamada xoogga Soomaaliya ayaa caawa muujiyay tilaabo uu ku beeninayo hadalkii maanta uu sheegay wasiirka Gaashaandhiga Somaliland Cabdiqani Maxamuud Caateeye oo ku aadanaa inuu ka mid yahay saraakiil ka dagaalamaysa magaalada Laascaanood.

Muuqaal la soo dhigay baraha bulshada ayaa muujinaya Jeneral Morgan oo ku sugan magaalda Garoowe ee caasimada Puntland isla markaana sida muuqaalka lagu xusay ka soo baxay salaada Taraawiixda isla markaana ay been tahay warka ka soo yeeray wasiirka ka tirsan xukuumada Somaliland.

Somaliland ayaa mudooyinkii ugu dambeeyay waxay ku celcelinaysay in saraakiil ka mid ah Puntland iyo dawlada federaalka Soomaaliya ay qayb ka yihiin dagaalada ka socda magaalada Laascaanood, inkastoo Puntland beeniso arrimahaas.

HBN News Desk

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed