Itoobiya oo wadahadallo iskaashi ciidan la yeelatay Somaliland kaddib kulan ka dhacay Adis Ababa

Itoobiya ayaa sheegtay inay wadahadalo ku saabsan iskaashiga milateri la yeelatay Somaliland Isniintii, toddobaad uun ka dib markii ay is-afgarad ku gaareen labada dhnac, Itoobiya oo ka go’ay inay helaan badda, taasoo xiisad ka abuurtay Geeska Afrika.

Wadahadallada ka dhacay magaalada Addis Ababa ayaa billaabay isla shalay markii madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu booqasho ku tagay dalka ay deriska yihiin ee Eritrea.

Soomaaliya ayaa taageero caalami ah u raadinaysa heshiiskii muranka dhaliyay ee 1-dii Janaayo ee u dhexeeyay Itoobiya iyo Somaliland.

Dawladda dhexe waxay ku tilmaantay heshiiska is-afgaradka (MoU) ee Itoobiya ee aan badda lahayn ku soo geli laheyd badda cas Somaliland, inuu yahay fal gardaro ah oo xad-gudub ku ah qaranimadeeda.

Inkasta oo gobolka iyo beesha caalamkuba ay walaac ka muujiyeen heshiiskaas, haddana taliyaha ciidamada Itoobiya Birhanu Jula “ayaa ka wada hadlay iskaashiga milatari” dhiggiisa Somaliland Nuux Ismaaciil Taani Isniintii, sida lagu sheegay qoraal ay soo dhigeen Facebook-ga ciidamada difaaca Itoobiya.

Dhawr maalmood ka hor heshiiskii Itoobiya, waxa Djibouti marti galisay wada-hadallo ay Soomaaliya iyo Somaliland ku heshiiyeen in dib loo bilaabo wada-hadalladii sannado badan socday.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed