Itoobiya oo sharuud ku xirtay aqoonsiga Somaliland isla markaana ka dhawaajisay halka loo doortay Saldhigga Millateri

Itoobiya ayaa si weyn ugu dhawaaqday damaca aqoonsiga Somaliland, isla markaana  shaaca ka qaaday in aqoonsiga rasmiga ah uu daba socdo dhameystirka heshiiska lagu wareejinayo dhulka loo asteeyay in laga dhigo saldhig ciidan, taasoo ka dhigan in aqoonsigu uu imaan doono markii  Itoobiya loo gacan galiyo hishiiska, kaddibna ay qaadi doonto tallaabada lagu aqoonsanayo Hargeysa.

Redwaan Xuseen, La-taliyaha Amniga Qaranka ee Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, ayaa wareysi gaar ah oo uu bixiyay kaga hadlay walaaca beesha caalamka, isagoo tusaale u soo qaatay waxyaabihii ay Somaliland horay ula gashay oo uu ka mid yahay heshiiskii dekedda Berbera ee 2017-kii.

Xuseen waxa uu iftiimiyey shuruudaha saldhiga Milatari, isaga oo tilmaamay in marka la soo gebagebeeyo arrintaas, ay Itoobiya aqoonsi u fidin doonto Somaliland, iyada oo ay wehelinayso saamiga shirkadooda. Warar aan hore loo arag ayaa Xuseen waxa uu shaaca ka qaaday halka loo doortay Saldhiga Milatari, waxaa uu sheegay in madaxda Somaliland ay soo jeediyeen in la dhigo Badda Lughaya ee gobolka Awdal oo u dhaw xuduudka Itoobiya.

Dowladda Soomaaliya ayaa si deg deg ah u dhaleeceysay heshiiska laba geesoodka ah, iyadoo ku tilmaantay inuu xadgudub ku yahay madax banaanideeda dhuleed, islamarkaana uu sii xumeynayo xiriirkooda o. Ururada gobolka iyo dawlado waaweyn ayaa ku biiray kuwa ku baaqaya in la ixtiraamo madax-banaanida Soomaaliya, iyagoo hoosta ka xariiqay inay garab taagan yihiin Muqdisho iyadoo ay jirto xiisad diblomaasiyadeed.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed